Ciyaaraha gobollada Somaliland: Maroodi-jeex oo guul muhim ah ka gaadhay Saraar + Natiijada kulankii xamaasadda badnaa ee Xaysimo iyo Daad-madheedh

Shalay waxa garoonka Hargeisa Stadium ku wada ciyaaray kooxaha Maroodi-jeex iyo Saraar, dhanka kale waxa ciyaartii labaad isku arkay Xaysimo iyo Daad-madheedh. Ciyaarta hore ayaa kusoo dhammaatay 3-0 guushu ku raacday kooxda Maroodi-jeex, halka kooxda Daad-madheedh ay guul ka gaadheen kooxda Xaysimo iyada oo ciyaarta danbe ay ku dhammaatay 2-1. Galabta ayaa sidoo kale waxa ku wada ciyaari doona garoonka Hargeisa Stadium Sool iyo Togdheer, sidoo kale ciyaar kale ayaa waxa wada leh gobollada Badhan iyo Salal.

P
Somali Score

FREE
VIEW