Immisa ayuu mar kale garoomada ka maqnaan doonaa Osman Dembele?

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa mar kale dhaawacmay Kadib markii uu beddel ku soo galay qaybtii dambe ee kulankii Cadiz ee horyaalka La Liga. Xiddiga reer France ayaa baadhitaan maray shalay oo axad ah waxana la ogaaday in uu xiddiga soo gaadhay dhaawac Muruqa lugta Midig ah waxana uu garoomada ka maqnaan doonaa maalmaha soo socda. Wargayska AS ayaa sheegaya in uu Ousmane Dembele garoomada ka maqnaan doono muddo 2 ilaa 3 todobaad ah kadib dhaawacii soo gaadhay.

Isla wargayska ayaa sheegay in uu xiddigu seegi kulanka adag ee ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Juventus champions League. Warka 4aad: Waxa kulammo dhawr ah laga ciyaari doonaa horyaallada kala duwan ee Yurub, waxana ka mid ah horyaalka Ingiriiska ee PL oo caawa ay wada ciyaari doonaan kooxaha Brighton iyo Southampton. Dhanka kale waxa la ciyaari doonaa horyaalka Spain oo ay isku arki doonaan Valencia iyo Eibar. Sidoo kale waxa ciyaar adag oo ka tirsan horyaalka Talyaanigu ay dhex mari doontaa Fiorentina iyo Genoa.

P
Somali Score

FREE
VIEW