Macallinka Kooxda Manchester United Maxa ka yidhi Saadaalin horyaalka ingiriiska ee Sanadka ?

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay fursadaha kooxda Man United ee ku guulaysiga horyaalka premier League kadib guushii ay ka gaadheen kooxda Wolves premier League kana caawisay in ay kaalinta 2-aad ka galaan kala sarraynta. Kooxda Man United ayaa 2 dhibcood u jirta kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Liverpool kaddib guushii ay ka gaadheen Wolves. Ole Gunnar Solskjaer ayaa wax laga waydiiyay in ay kooxda United ku jirto hanashada horyaalka ayaa ku jawaabay “Ma jiro tartan horyaal ah kadib 15 kulan oo la ciyaaray”

“Laakiin marka aan ciyaarno 15 kulan oo kale oo aan 30 kulan gaadhno waxa aan ka hadli doonaa hanashada horyaalka, marka la gaadho bisha march ama April waan eegi doonaa” ayuu yidhi.

P
Somali Score

FREE
VIEW