Connect with us

Hi, what are you looking for?

Man City oo iska xaadirisay finalka Champions League kaddib markii ay garaacday 10 xiddig oo kooxda PSG ah

Manchester City ayaa iska xaadirisay finalka tartanka UEFA Champions League kaddib markii ay ku garaacday kooxda Paris Saint-Germain oo marti ugu aheyd garoonka Etihad 2-0, kulankii lugta labaad ee wareega afar dhammadka, taasoo ka dhigan in cel-celis ahaan labada kulan ay ku adkaatay Sky Blue 4-1.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 11-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Riyad Mahrez.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

63 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Riyad Mahrez oo caawin ka helay saaxiibkiis Phil Foden ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

69 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Angel Di Maria ayaa qaatay kaadhka casaan toos ah, taasoo ka dhigtay in PSG ay ku ciyaarto 10 xiddig.

Ugu dmabeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Manchester City kooxda Paris Saint-Germain oo marti ugu aheyd garoonka Etihad, Sky Blue ayaa iska xaadirisay finalka tartanka UEFA Champions League, iyadoo sugi doonta kooxdii soo baxda Real Madrid iyo Chelsea oo habeen dambe balansan.

Click to comment

Somalia Premier League

# Club MP W D L PTS
1
Horseed
18 11 5 2 38
2
Mogadishu City
18 11 5 2 38
3
Heegan
18 9 6 3 33
4
Raadsan S.C
18 9 6 3 33
5
Dekeddaha FC
18 6 5 7 23
6
Midnimo
18 7 1 10 22
7
Gaadiidka
18 6 3 9 21
8
Jeenyo FC
18 5 5 8 20
9
Elman FC
18 5 2 11 17
10
Geeska-Africa FC
18 1 2 15 5
Advertisement

Copyright © 2021 As the Best Football APP, Somali score offers Predictions, Statistics, Live Scores, Results and Tips for all leagues and Somali Football such as World Cup, Somali Premier League and Premier League, Serie A and Bundesliga.

P
Somali Score

FREE
VIEW