Ronaldo oo dhammaadka xilli-ciyaareedkan ku biiri doona laba kooxood midkood

Cristiano Ronaldo ayaa isku dayi doona in uu dhammaadka xilli-ciyaareedkan ka hulleelo kooxda Juventus haddii ay ku fashilanto in ay u soo baxdo horyaalka kooxaha Yurub xilli-ciyaareedka dambe.
Laacibkan u dhashay waddanka Portugal ayaa tixgelin doona in uu midkood ku biiro kooxaha Manchester United iyo PSG haddii Juventus ku fashilanto u soo bixidda Champions League xilli-ciyaareedka soo socda. Juventus ayaa immika fadhida kaalinta afraad ee kala sarraynta horyaalka Talyaaniga isla markaana waxaa suurtogal ah in ay seegto Champions League kaddib markii ay xilli-ciyaareedkan soo bandhigtay qaab-ciyaareed aan wanaagsanayn. Ronaldo ayaan diyaar u ahayn in uu iska joogo Juventus haddii aanay Champions League ka qaybgalayn xilli-ciyaareedka soo socda isla markaana waxa uu diyaar u yahay in uu dhegaysto dalabyada soo gaadhaya sida ay ku warrantay warbaahinta waddanka Talyaaniga.
Dhamaad:-

P
Somali Score

FREE
VIEW