Xulka qaranka Algeriya oo iska xaadiriyay koobka qaramada Afrika

Xulka qaranka Algeria ayaa ka gudbay isreebreebka koobka qaramada Afrika kaddib markii uu barbarro 2-2 ah la galay xulka Zimbabwe. Xulka Algeria ayaa ku hor maray laba gool oo ay ku kala saxeexeen Andy Delort iyo kabtanka kooxda Riyad Mehrez, se xulka qaranka Zimbabwe ayaa daqiiqadihii 43 iyo 82 iska soo celiyay labadii gool, waxana ay ciyaartu ku dhammaatay 2-2. Barbarrahan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee kooxda Algeria ay gasho kaddib 3 ciyaarood oo ay guulaysteen, waxana ay sidaas ku haystaan 10 dhibcood oo ay ku hoggaaminayaan kooxaha kula jira Groupka. Xulka qaranka Algeria ayaa 22 ciyaarood oo isku xiga aan wali laga badin waxana ugu danbaysay guuldarro bishii October ee sannadkii 2018.

P
Somali Score

FREE
VIEW