Xulka qaranka Ingiriiska oo ku durduriyay xulka Iceland

Xulka qaranka Ingiriiska ayaa xalay 4 gool ku karbaashay xulka Iceland ciyaar ka tirsanayd horyaalka qaramada Yurub. Xiddigga Rice ayaa daqiiqaddii 20aad u saxeexay xulka qaranka Ingiriiska goolka koowaad, waxa afar daqiiqo kaddib isna shabaqa xulka Iceland soo taabtay Mount, halka xiddigga da’da yar ee kooxda Man City Foden oo laba gool u dhaliyay xulka qaranka Ingiriiska 10kii daqiiqo ee u danbeeyey. Xulka Ingiriiska ayaa kaalinta 3aad kaga jira groupka 2aad waxana uu haystaa 10 dhibcood, dhanka kale xulka Iceland ayaan wax dhibco ah haysan

waxana uu ciyaaray lix ciyaarood oo dhammaantood laga badiyay

P
Somali Score

FREE
VIEW